Muqdisho – Waxaa wali xaalad cakiran ka taagan suuqyada magaalada Muqdisho, halkaas oo aan si buuxda looga isticmaalin lacagta rasmiga ah ee dalka, ee Shilinka Soomaaliga.
Ganacsatada iyo sarifleyda lacagaha ayaa haatan si weyn ugu tiirsan isticmaalka lacagaha qalaad, gaar ahaan doolarka Mareykanka, iyagoo sheegay in kalsoonida Shilinka Soomaaliga ay hoos u dhacday, taasoo saameyn ku yeelatay adeegsigiisa suuqyada.
Sarifleyda oo dibadbax ka dhigay magaalada muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay xaaladda jirta, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatada, islamarkaana aysan jirin tallaabooyin muuqda oo lagu xoojinayo isticmaalka lacagta dalka.
Waxay ugu baaqeen dowladda in ay si degdeg ah u farageliso, isla markaana ay dejiso siyaasad cad oo lagu soo celinayo kalsoonida Shilinka Soomaaliga, si loo xasiliyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo suuqyada magaalada.
DAAWO.



