Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya oo Guddoomiyey Shir Amniga Muqdisho looga hadlayey

0

Muqdisho – Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa guddoomiyey shir amni oo ka qabsoomay Taliska Guud ee Ciidanka XDS ee magaalada Muqdisho.

 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga dalka iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyey heerka diyaar garowga ciidamada iyo xoojinta amniga guud ee dalka.

Intii uu shirka socday, saraakiisha ciidamada ayaa soo bandhigay qorsheyaal lagu dardargelinayo howlgalada ka socda gobollada dalka, gaar ahaan kuwa lagu ciribtirayo kooxaha hubeysan ee weli ku sugan deegaannada qaar.

Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa saraakiisha kula dardaarmay in la laba jibbaaro dadaallada amniga, isla markaana la muujiyo feejignaan sare iyo wada shaqeyn joogto ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Shirka waxaa ka qeyb galay kaaliyaha Taliska Guud, taliyeyaasha noocyada ciidamada, saraakiisha sirdoonka iyo wardoonka, ciidamada gaarka ah, iyo hoggaannada kala duwan ee Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here