IGAD oo ku baaqday in la sii wado wadahadalka mucaraadka dowlada feraalka Soomaaliya

0

Jabuuti – IGAD ayaa faahfaahin ka bixisay qodobbadii kasoo baxay wada-tashiyadii ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 13-kii ilaa 15-kii May 2026, kuwaas oo dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ku ah dowladda.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Xoghaynta IGAD ayaa lagu sheegay in ururku uu soo dhaweynayo wada-shaqeynta tooska ah ee dhinacyada Soomaaliyeed, isla markaana uu dhiirrigelinayo in la sii wado wadahadallada si xal waara oo loo dhan yahay looga gaaro arrimaha taagan.

IGAD ayaa hoosta ka xarriiqday in ka-qaybgalka siyaasadeed ee joogtada ahi uu muhiim u yahay ilaalinta xasilloonida Soomaaliya, xoojinta dowladnimada dimuqraaddiga ah, iyo dardargelinta howlaha dhismaha dowladnimada dalka.

Sidoo kale, Xoghayntu waxay ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan xalal lagu xoojinayo midnimada qaranka, kalsoonida shacabka, iyo ilaalinta xasilloonida iyo horumarka hay’adaha dowladda ee muddada fog.

Ugu dambeyn, IGAD ayaa markale xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan dadaallada ay Soomaalidu hormuudka u tahay ee lagu horumarinayo dowladnimo loo dhan yahay, lagu ilaalinayo nabadda iyo amniga, isla markaana lagu xaqiijinayo mustaqbal xasilloon oo shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka ay wada helaan.May be a graphic of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here