Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle.
Madaxweynaha ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo soo igmaday, isaga oo u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Dhankiisa, Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay dhambaal iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo uga mahadceliyay dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay.
Safiirka cusub ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kor u qaadidda iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.





