Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer ku tagay Xerada Kumaandooska Danab ee Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay xerada ciidamada Kumaandooska sida gaarka ah u tababaran ee Danab, oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb.

 

Taliyaha ayaa la kulmay cutubyo ka tirsan ururka 163-aad ee guutada 16-aad Kumaandooska Danab, isagoo ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii xoojiyaan waajibaadka qaran ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada ku ammaanay dadaallada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay adkeynta amniga iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah safarro iyo howlo uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ku marayo gobollada dalka, kuwaas oo lagu dhiirrigelinayo ciidamada kala duwan ee ku howlan xaqiijinta amniga iyo ka hortagga khataraha amni ee ay dalka ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here