MUQDISHO – Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in aan weli loo soo gudbin natiijo rasmi ah oo la xiriirta doorasho ka dhacday maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in hay’addu aysan helin wax natiijo doorasho oo sax ah oo laga sugayo in lagu ansixiyo ama lagu hubiyo sharciyadeeda.
Arrintan ayaa imaneysa xilli Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu hore u sheegay in uu sugayo go’aan ama fasax sharci ah oo Maxkamadda Sare ay ka bixiso natiijada doorashada, si loo dhammeystiro hannaanka doorashada.
Maxkamadda Sare ayaa dhankeeda caddeysay in aanay jirin wax natiijo rasmi ah oo loo gudbiyay, taasoo mugdi gelinaysa halka uu marayo hannaanka sharci ee la xiriira doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Koonfur Galbeed.
Doodaha la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ayaa weli socda, iyadoo ay jiraan is-afgarad la’aan u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee ku lug leh geeddi-socodka doorashooyinka.




