Afar qof oo ku dhintay mudaaharaadyo ka dhacay Kenya kadib kororka qiimaha shidaalka

0

Nairobi, Kenya — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyo xooggan oo Isniintii gilgilay dalka Kenya, kuwaas oo ka dhashay sare u kac weyn oo ku yimid qiimaha shidaalka.

 

Dibad-baxyada ayaa hakad geliyay isu socodkii caadiga ahaa ee magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale, iyadoo bannaanbaxayaashu ay xireen waddooyin muhiim ah isla markaana ay dab qabadsiiyeen qeybo kamid ah duleedka caasimadda.

Kororka qiimaha shidaalka ayaa yimid kadib saameynta dagaallada Bariga Dhexe iyo carqaladaha ka dhacay marin biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah saliidda caalamka. Dowladda Kenya ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday koror cusub oo shidaalka ah, iyadoo naaftada keliya ay kor u kacday boqolkiiba 23.5.

Go’aankaasi wuxuu sababay caro xooggan oo shacabka iyo shaqaalaha gaadiidka dadweynaha ah, kuwaas oo ku dhawaaqay shaqo joojin ballaaran. Kumannaan qof ayaa ku xanibmay magaalooyinka waaweyn kadib markii gaadiidkii “matatu” uu istaagay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in afar qof ay ku dhinteen rabshadaha, halka in ka badan 30 qof ay dhaawacmeen.

“Waa arrin murugo leh inaan luminno afar muwaadin oo Kenyan ah rabshadihii maanta dhacay,” ayuu yiri wasiirku.

Booliiska ayaa xaqiijiyay inay xireen 348 qof, iyagoo sheegay in xaaladda ammaanka dib loo xakameeyay saacadihii dambe ee maalinta.

Mudaaharaadyadu waxay ku fideen magaalooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin Mombasa, Nakuru, Eldoret iyo Nyeri.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda ee Kenya, John Mbadi, ayaa sheegay in dowladda aysan sabab u ahayn dhibaatada jirta.

“Kani waa dagaal aynaan annagu bilaabin,” ayuu yiri isagoo ula jeeday colaadaha Bariga Dhexe ee sare u qaaday qiimaha shidaalka adduunka.

Dhaqaaleyahanno ayaa ka digay in hal maalin oo mudaaharaadyo noocan ah ay dhaqaalaha Kenya u horseedi karto khasaare gaaraya boqolaal milyan oo dollar.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay waddo dadaallo lagu xakameynayo qiimaha shidaalka iyo sugidda sahayda tamarta, xilli shacabka ay wajahayaan culays dhaqaale oo isa soo taraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here