Qaramada Midoobey oo sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, kuna baaqday wada-hadal joogto ah

0
Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

NEW YORK – Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii ugu dambeeyay ee dhexmaray dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.

 

Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in hay’addu soo dhoweyneyso dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo wadajir ah.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si dhow ula socda xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii heerka sare ahaa ee dhowaan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Somali Future Council. Wuxuu soo dhoweeyay diyaar garowga labada dhinac ee wada-shaqeynta iyo is-afgaradka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan wada-hadallada si loo gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay dadaal xooggan ku bixiyay isku soo dhawaanshaha dhinacyada siyaasadda, inkastoo wareegyadii hore ee wada-hadallada ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here