Midowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Cudurka Ebola oo dib Dillaaca Bariga Congo iyo Uganda

0

ADDIS ABABA — Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay cudurka Ebola (EVD) oo mar kale ka dillaacay dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Uganda, iyadoo laga digayo khatarta sii kordheysa ee faafitaanka cudurka ee gobolka.

 

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in xaaladdan ay tahay mid halis ah oo u baahan iskaashi degdeg ah oo heer gobol iyo heer caalami ah.

Waxa uu ku ammaanay dowladaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Uganda, iyo sidoo kale shaqaalaha caafimaadka safka hore, dadaalka ay ugu jiraan xakameynta faafitaanka cudurka.

Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka ka hortagga ee ay wadaan dalalka dariska ah, gaar ahaan Koonfurta Suudaan, si looga hortago in cudurku ku fido xuduudaha gobolka.

Midowga Afrika ayaa sheegay in uu si buuxda u taageerayo dadaallada ay hormuudka ka tahay Africa CDC, isagoo la kaashanaya Ururka Caafimaadka Adduunka iyo la-hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta nolosha dadka Afrika ay tahay mudnaanta koowaad, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo diyaargarowga, la wadaago xogta caafimaadka, iyo in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha cusub ee soo baxa.

Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn ku celiyay go’aankiisa ku aaddan xoojinta nidaamyada caafimaadka iyo ka hortagga cudurrada faafa ee qaaradda.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here