Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ka shiray amniga Gobolka Baay

0

Baydhaba — Cabdullaahi Xuseen Cirro, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa shir guddoomiyay kulan amni oo saraakiisha ciidamada ay ku yeesheen magaalada Baydhaba, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga ee Gobolka Baay iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

 

Kulanka waxaa ka qeyb galay Korneyl Isaaq, Korneyl Xuseen Moolif iyo saraakiil kale oo ka socotay hoggaannada kala duwan ee ciidamada.

Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta amniga magaalada Baydhaba iyo magaalooyinka kale ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xilliga ay socdaan diyaar-garrooyin la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah.

Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorshayaal lagu adkeynayo sugidda amniga iyo iskaashiga hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here