Abuja — Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, ayaa mar kale si rasmi ah loogu doortay inuu noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga talada haya ee All Progressives Congress (APC), doorashada madaxtinimada ee dalkaasi la filayo inay dhacdo bisha Janaayo ee soo socota.
Tinubu ayaa aqbalay guusha kadib markii uu kasoo gudbay doorashada hordhaca ah ee xisbigiisa, waxaana la filayaa in si rasmi ah loogu caleemo saaro munaasabad ka dhacaysa magaalada Abuja.
Madaxweynaha ayaa ka adkaaday musharax kale oo keliya oo la tartamayay, kaas oo lagu magacaabo Stanley Osifo. Osifo ayaa la sheegay inuu bixiyay lacag dhan 100 milyan oo naira si uu ugu tartamo jagada musharaxa madaxweynaha.
Hoggaanka xisbiga APC ayaa ku tilmaamay geeddi-socodka doorashada mid muujinaya dimuqraadiyadda ka dhex jirta xisbiga.
Xisbiga talada haya ayaa sidoo kale sii ballaariyay saameyntiisa siyaasadeed ee dalka ugu dadka badan Afrika, iyadoo hadda uu maamulo 31 gobol oo kamid ah 36-da gobol ee Nigeria, halka sanadkii 2023 uu maamulayay 21 gobol oo keliya. Kororka awoodda xisbiga ayaa lala xiriirinayaa siyaasiyiin badan oo kasoo baxay mucaaradka kuna biiray APC.
Tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2023, Madaxweyne Tinubu wuxuu hirgeliyay isbeddello dhaqaale oo dowladda sheegtay inay ujeeddadoodu tahay soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo xoojinta dhaqaalaha dalka.
Dhanka kale, xisbiyada mucaaradka ee Nigeria ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda qabtaan doorashooyinkooda hordhaca ah si ay usoo xushaan musharixiinta la tartami doona Madaxweyne Tinubu doorashada madaxtinimada ee bisha Janaayo.



