Baydhabo oo Lagu Dhaariyey Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

0

Baydhabo – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed.

 

Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinnimada Koonfur Galbeed, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.

Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah iyo masuuliyadaha loo igmaday, iyadoo munaasabadda ay ku dhacday jawi deggan oo habsami leh.

Khudbad uu munaasabadda ka jeediyay Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayuu xubnaha la dhaariyey ugu baaqay inay si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad ku dheehan tahay ugu adeegaan shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana ay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada, amniga, horumarka iyo wadajirka bulshada.

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyey habsami u socodka geeddi-socodka dhaarinta iyo dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladeed ee Koonfur Galbeed, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in la sii ambaqaado dhismaha iyo tayeynta maamulka.

Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah marxaladaha siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in baarlamaanka cusub uu door muuqda ka qaato hannaanka doorashooyinka iyo horumarinta dowladnimada maamulka.May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here