Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu dambeyn oggolaaday inuu ka guuro xaafadda Miraanyo ee degmada Cabdicasiis, isla markaana dib ugu laabto hoygiisii hore ee ku dhow garoonka diyaaradaha ee Aden Adde International Airport, kadib dadaallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisad amni oo halkaas ka taagnayd.
Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay garwadeen ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo la sheegay inay ku guuleysteen in la dejiyo xiisad dagaal oo ka aloosnayd xaafadda Miraanyo ee degmada Cabdicasiis.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa mar kale cakirantay kadib markii kolonyadii galbinaysay Sheekh Shariif laga hor istaagay waddada. Sida ay ilo ka tirsan Himilo Qaran u sheegeen warbaahinta Shabelle, ciidamada la socday madaxweynihii hore ayaa lagu amray inay dib u laabtaan, inkastoo ay wehlinayeen saraakiishii ku qancisay Sheekh Shariif inuu aqbalo dadaallada lagu dejinayay xiisadda.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda ay xireen waddada gasha guriga Sheekh Shariif ee ku dhow garoonka diyaaradaha, halka gaadiid dagaal lagu daadiyay aaggaasi, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee goobta.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka dalka.




