Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay Inay Soo Afjartay Dhaqdhaqaaqyadii Hubeysnaa ee Muqdisho

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo gabagabeysay hawlgal amni oo socday 48-kii saac ee la soo dhaafay, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad hubeysan oo sida ay dowladdu sheegtay isku dayayay inay qalalaase amni ka abuuraan magaalada Muqdisho.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiskaayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay la wareegeen goobihii ay ku sugnaayeen kooxaha hubeysan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay weerarro ku qaadeen ciidamada booliska iyo shacabka.

Dowladdu waxay sheegtay in maleeshiyaadkaasi ay xiriir la lahaayeen siyaasiyiin ay magacyadooda ku xustay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hassan Ali Khaire iyo Sharif Sheikh Ahmed.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, intii uu socday hawlgalku ciidamada ammaanka ayaa hub iyo gaadiid ay lahaayeen kooxahaasi ku qabtay magaalada, waxaana dowladda ay sheegtay in hay’adaha amniga iyo garsoorku ay bilaabeen baaritaanno rasmi ah oo la xiriira dhacdooyinka dhacay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkaysatay in aan la aqbali doonin dhaqdhaqaaq kasta oo hubeysan oo ka baxsan sharciga, iyadoo sheegtay in cid kasta oo ku lug yeelata falal amniga lid ku ah lala tiigsan doono tallaabooyin sharci ah.

Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee lagu magacaabay war-saxaafadeedka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha dowladda. Mucaaradka ayaa hore u sheegay in ciidamada la socday ay ahaayeen ilaaladooda gaarka ah isla markaana ay dowladda ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay xiisadaha ka dhacay Muqdisho.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xiisado siyaasadeed oo u dhexeeyay dowladda iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.May be an image of ‎text that says "‎Ministry الصوصال وزارة Tourism muddo War-saxaafadeed Ciidamada Amniga kaas hortagayeen Amni Magaalada Muqdisho. gabangabeeyay abaabulan galay weerarro qaadeen Ciidamada adeegsanaya culus. Ciidamada Amniga ayaa abaabuliyeen Siyaaeiyiin iyo taxadar ula galay mid yihiin Xasan Khayre iyo Shariif Sheekh socday hawlgalka Maleeshiyaadkii Sharcidaradda rasmi Ciidamada hubka dhigis sameeyeen hay'adaha Amniga kuwa garsoorku cadaaladda hor cidkasta Soomaaliya cadaynasaa kasoo kaliya kuwa sharcidarro adkaynaysaa aan cidkasta dhagaaqda Federaalka aqbalidoonin Maleeshiyaad iyo ahna kulmidoontaa waxa ugu digaysaa shagsi iyo koox kasta digtoonaato kana ku hawlan Dawladda Soomaaliya waxaa ugu Amniga gutay waajibaadkooda badbaadinta shacabka Caasimadda waafaqsan sharciga, kale Shacabka Ciidamada amniga guud waxa‎"‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here