Muqdisho – Xildhibaan Gama’diid ayaa si adag uga falceliyay hadallo uu dhawaan jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, kaas oo sheegay in tallaabooyin hub ka dhigis ah laga fulin doono kooxaha mucaaradka ee hubeysan.
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay taliyaha inuu ku kacayo falal iyo hadallo sii hurin kara xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, isaga oo sheegay in mucaaradku aanu aqbali doonin waxa uu ku tilmaamay cabsi gelin iyo cadaadis siyaasadeed.




