Dowlada oo beenisay war kasoo baxay Qaramada Midoobay ee xiisada ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku faahfaisay khasaaraha ka dhashay dhacdooyinkii amni ee ka dhacay magaalada Muqdisho 3-dii iyo 4-tii Juun 2026.

 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xogta laga ururiyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee caasimadda ay muujineyso in 55 qof ay ku dhaawacmeen halka hal qof uu ku dhintay dhacdooyinka la xiriira howlgalada amniga iyo la dagaallanka hubka sharci-darrada ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xogtan ay ku saleysan tahay diiwaannada rasmiga ah ee laga helay xarumaha caafimaadka ee dadka waxyeelladu kasoo gaartay dhacdooyinkaasi loo geeyay.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday warbaahinta, hay’adaha iyo daneeyayaasha kale inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan marka ay faafinayaan xogaha la xiriira dhimashada, dhaawacyada iyo xaaladaha degdegga ah, si looga fogaado warar aan la xaqiijin oo bulshada marin habaabin kara.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jireen warar kala duwan oo laga baahinayay khasaaraha ka dhashay xiisadihii iyo howlgaladii amni ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here