Madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe oo xilka si rasmi ah Maanta ula wareegay

0

Baydhabo, 11,Juun 2026: Waxaa maanta si rasmi ah xilka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ula wareegay Hoggaamiyaha la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kadib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

 

Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xilka kala wareegay Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo muddooyinkii la soo dhaafay hoggaaminayey Dowladda Koonfur Galbeed si ku-meel-gaar ah.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowladda Koonfur Galbeed, xubno ka socday hay’adaha dowladda, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Hoggaamiyaha cusub ku wareejiyey dukumiintiyada iyo masuuliyadaha xafiiska, isaga oo ugu hambalyeeyey xilka loo doortay, una rajeeyey inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Hoggaamiyaha la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa shaqadii iyo dadaalkii uu geliyey xilliga kala guurka, isaga oo ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska Dowladda Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here