Soomaaliya iyo Masar oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

0

MUQDISHO – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika Danjire Maxamed Kariim Sherif.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar ee dhinacyada kheyraadka badda, kalluumeysiga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd khibradda Masar ee horumarinta iyo maareynta kheyraadka badda.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo kor u qaada maal-gashiga wadajirka ah iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Masar ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here