IGAD oo cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus, kuna baaqday in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya

0

JABUUTI, Juun 18 – Xoghaynta Urur-goboleedka IGAD ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo tixraacaysa heshiiska aas-aaska IGAD, xeerka Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

 

Bayaan kasoo baxay xarunta IGAD ee magaalada Jabuuti ayaa lagu sheegay in ururku uu la socdo wararka ku saabsan furitaanka safaarad ay Somaliland ku leedahay magaalada Qudus, isagoo ku celiyay mowqifkiisa soo jireenka ah ee ah in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Xoghaynta IGAD ayaa muujisay walaac ku saabsan tallaabo kasta ama hindise kasta oo wax u dhimaya madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Falalka noocaas ah waxay halis u yihiin inay sare u qaadaan xiisadaha isla markaana wiiqaan nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

IGAD ayaa sidoo kale ku baaqday in la dhowro mabaadi’da lagu dhisay ururka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee ilaalinaya madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah, xilli ay sii kordhayaan murannada la xiriira xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland la sameysanayso dalal shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here