MUQDISHO – Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay fal ay ku tilmaantay mid arxan darro ah oo lagu xadgudbay sharafka iyo karaamada gabar Soomaaliyeed, kaas oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.
Warsaxaafadeed ay Wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in falkan uu si cad uga hor imaanayo diinta Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ay waajib ku tahay inay si mideysan uga hortagto falalka noocan oo kale ah.
“Falkan wuxuushnimada ah wuxuu si cad uga hor imaanayaa diinteenna Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, xurriyadda, sharafta iyo karaamada muwaadinka. Waxaa dhammaanteen waajib naga saaran inaan ka dhiidhinno falalka noocan oo kale ah, isla markaana aan bulshada ka dhex saarno cid kasta oo ku kacda xadgudubyadan,” ayay tiri Wasiirka.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday hay’adaha amniga inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigaan dadka lagu tuhunsan yahay inay geysteen falkaasi, si loo horgeeyo hay’adaha caddaaladda loogana qaado tallaabo sharci ah oo waafaqsan shuruucda dalka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqday waalidiinta, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay ka qayb qaataan soo qabashada dadka lagu eedeeyay falkaasi.
“Qof kasta oo aqoonsanaya ama haya xog ku saabsan dadka ku lugta leh falkaas waxaa laga doonayaa inuu la wadaago hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo in dambiilayaashu aysan helin gabaad ama meel ay kaga baxsadaan caddaaladda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ayaa ku celisay in ilaalinta karaamada, sharafta iyo badqabka haweenka Soomaaliyeed ay tahay mas’uuliyad wadajir ah oo saaran dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.




