ISTANBUL, Turkiga – Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa ka qayb galay kulanka labaad ee Guddiga Fulinta ee Ururka Islamic Network for Personal Data Protection Authorities (INPDPA), kaas oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Guddiga Fulinta ee ururkan, oo u taagan xoojinta iskaashiga dalalka Islaamka ee dhinaca ilaalinta xogta shakhsiga ah iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta xeerarka iyo qorshayaasha ururka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dhowrista xogta ee dalalka Islaamka, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta, iyo sidii looga hortagi lahaa caqabadaha ka dhasha tiknoolojiyadda casriga ah iyo amniga macluumaadka.
Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Mohamed Nuur Olow, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato horumarinta himilooyinka ururka iyo kor u qaadista heerarka ilaalinta xogta.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowrista xogta shakhsiga ah iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan xilli dunidu si weyn ugu tiirsan tahay adeegsiga tiknoolojiyadda iyo adeegyada dhijitaalka ah.





