MUQDISHO – Waxaa si habsami leh Xarunta Dhexe ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ugu qabsoomay kulan ballaaran oo ay ka qaybgaleen hoggaanka, masuuliyiinta iyo xubnaha Ururka, kaas oo lagu soo bandhigay musharraxa rasmiga ah ee JSP ku meteli doona doorashada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee muddo-xileedka 2026–2031.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu wadaagay khudbado soo dhawayn iyo dardaaran isugu jira oo ku aaddanaa u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee Galmudug, iyada oo Mudane Liibaan Axmed Xasan si rasmi ah loogu guddoonsiiyay Shahaadada Musharraxnimada Doorashada Hoggaamiyaha Maamul Goboleedka Galmudug.
Masuuliyiintii kala duwanayd ee goobta ka hadlay ayaa muujiyay kalsoonida ay ku qabaan hoggaaminta, waayo-aragnimada iyo aragtida horumarineed ee Musharrax Liibaan Axmed, iyaga oo tilmaamay in Ururka JSP uu bulshada Galmudug u soo bandhigayo hoggaamin ku dhisan heshiis, hufnaan, wadajir iyo horumar waara.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka ee Arrimaha Dibadda iyo Dhaqaalaha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Xoghayaha Guud, Xoghayeysa, Wasiirro, Xildhibaanno, Garabyada Haweenka iyo Dhallinyara iyo marti sharaf kale.



