Ra’iisul wasaare Abiy oo ka hadlay xiriirka labada dal iyo madaxweynaha Soomaaliya

0

Addis Ababa  — Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa Isniintii shalay wadahadallo laba geesood ah la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si loo xoojiyo xiriirka dhaqaale, amniga, iyo xasilloonida gobolka.

 

Kulanka ayaa lagu xaqiijiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo labada mas’uul ay ku nuux-nuuxsadeen muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ku dhisan is-aaminka, ixtiraamka iyo danaha wadaagga ah.

“Wada hadal laba geesood ah oo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Soomaaliya oo ku saabsan xiriirka dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka, oo ku qotoma kalsooni iyo ixtiraam labada dhinac ah.”, PM Abiy ayaa soo dhigay bogga X.

Ra’iisul Wasaare Abiy isaga oo dib u milicsanaya xidhiidhka taariikheed iyo dhaqan ee labada dal waxa uu yidhi “Itoobiya iyo Soomaaliya waxa ay wadaagaan wax ka badan xuduudda, waxa aynu wadaagnaa waxa ugu qaalisan ee ah dadkeenna iyo masiirka guud!”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here