Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay qaraxii argagixiso ee ka dhacay Suuriya

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qaraxii argagixiso ee lala beegsaday maqaaxi ku taalla magaalada Dimishiq ee caasimadda Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, kaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo dhaawaca tiro kale.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si kulul u cambaareyneyso weerarkaasi, iyadoo ku tilmaantay fal argagixiso oo ka dhan ah shacabka aan waxba galabsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda iyo shacabka Suuriya, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa, waxayna u rajeysay dhammaan dadka ku dhaawacmay in Alle siiyo caafimaad degdeg ah.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan la dagaallanka argagixisada nooc kasta oo ay tahay, iyadoo muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Suuriya xilligan adag.

Gabagabadii, Soomaaliya ayaa adkeysay taageeradeeda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here