Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga oo xustay 66-guuradii Midowga iyo Xorriyadda Soomaaliya

0

Riyadh – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa martigelisay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay 66-guuradii ka soo wareegtay xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii taariikhiga ahaa ee Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, oo saldhig u noqday aas-aaska Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Munaasabadda waxaa marti ku ahaa Wakiilka Boqortooyada Sacuudiga ahna Duqa Magaalada Riyadh, Amiir Faysal bin Cabdulcasiis bin Cayaaf, Agaasimaha Guud ee Waaxda Diblomaasiyiinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Boqortooyada. Martida waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, iyo xubno ka tirsan Safaaradda.

Khudbad uu munaasabadda ka jeediyay, Safiir Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay astaan u tahay xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu xusay in dalka uu ku tallaabsanayo horumar dhinacyada amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo koboca dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay maanta leedahay fursado maalgashi oo ballaaran, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, macdanta, dekedaha iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Dhankiisa, Amiir Faysal bin Cabdulcasiis bin Cayaaf ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 66-guurada Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyay Soomaaliya nabad waarta, xasillooni, horumar iyo barwaaqo.

Munaasabadda ayaa ka tarjumaysay xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

May be an image of ‎dais and ‎text that says "‎الوطني اليوم احتمال الفيدرالية الصومال لجمهورية الرياض العومال ക്റ്ാ النفارة Federal Republic of Somalia National Day Celebration Embassy o of Somalia Riyadh‎"‎‎May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here