Ugu Yaraan 20 Qof oo Dhintay Doon Arday Siday oo Ku Degtay Congo

0

Kinshasa, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo — Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay bartamaha dalka Congo kadib markii doon alwaax ah oo siday arday ka soo laabtay imtixaanadii gobolka ay ku degtay webiyada Sankuru iyo Kasai, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

 

Shilkan ayaa dhacay, xilli doontu ay maraysay halka ay ku kulmaan labada webi, taasoo keentay in ay si lama filaan ah u degto, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Mas’uuliyiinta gobolka Kasai ayaa sheegay in ilaa 80 qof la soo badbaadiyay, halka 20 qof meydadkooda la helay. Si kastaba ha ahaatee, warar kale ayaa tilmaamaya in tirada rakaabka saarnaa ay ka badan karto 200 qof.

Masiibooyinka noocan ah ayaa si joogto ah uga dhaca Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo doomaha alwaaxda ah ee buuxdhaafsan, safarrada habeenkii, iyo badbaado la’aantu ay sababeen dhimasho badan sannadihii u dambeeyay.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in baaritaan rasmi ah lagu wado shilka, iyadoo la filayo in la ogaado sababta keentay degitaanka doonta. Dhanka kale, bulshada deegaanka ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo xoojiyo nidaamka badbaadada gaadiidka webiyada si looga hortago shilal kale oo halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here