Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Ciidamada Ku Sugan Shabeellaha Dhexe

0

Shabeellaha Dhexe – Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale Iyo degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

 

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen furimaha dagaalka ay caddeyn u yihiin in argagixisada ay lumisay awooddii ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateyn jirtay.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista howlgallada dalka looga ciribtirayo argagixisada, ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Wuxuu sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo geesinimadooda, isagoo caddeeyay inay ku jiraan jihaad xaq ah oo ay ku difaacayaan Diinta, dalka iyo dadka. Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan howlgallada socda, isagoo faray inay sii xoojiyaan feejignaanta, wadajirka iyo adkeysiga si loo gaaro guulo isdaba joog ah.

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay sii wadaan howlgallada ilaa laga ciribtiro argagixisada, lagana xaqiijiyo amniga guud ee dalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dardargelinayaan howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada, isla markaana lagu xoojinayo niyadda iyo diyaar-garowga ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Xaaji Cali Iyo degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe. Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen furimaha dagaalka ay caddeyn u yihiin in argagixisada ay lumisay awooddii ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateyn jirtay.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista howlgallada dalka looga ciribtirayo argagixisada, ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan. Wuxuu sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo geesinimadooda, isagoo caddeeyay inay ku jiraan jihaad xaq ah oo ay ku difaacayaan Diinta, dalka iyo dadka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan howlgallada socda, isagoo faray inay sii xoojiyaan feejignaanta, wadajirka iyo adkeysiga si loo gaaro guulo isdaba joog ah. Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay sii wadaan howlgallada ilaa laga ciribtiro argagixisada, lagana xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dardargelinayaan howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada, isla markaana lagu xoojinayo niyadda iyo diyaar-garowga ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here