Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Garoonka Aadan Cadde Kula Kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kulan gaar ah kula yeeshay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

 

Kulanka ayaa ka dhacay xilli Guddoomiyaha Aqalka Sare uu safar gaar ah ugu ambabaxayay dalka dibaddiisa, waxaana looga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Shiinaha. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga diblomaasiyadeed, iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaadato xoojinta xiriirka labada dal. Dhankiisa, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa caddeeyay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here