Muqdisho – Danjiraha cusub ee Dowladda Brazil u soo magacawday Soomaaliya, João Alfredo dos Anjos Júnior, ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha ayaa waxaa qaabilay Safiirka Soomaaliya, Jabril Ibrahim Cabdulle, iyadoo labada dhinac ay yeesheen kulan looga hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Brazil.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii horumarin lahaa wada-shaqeynta laba geesoodka ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada ay danaha ka wadaagaan, iyo sidoo kale arrimo la xiriira iskaashiga ay ku leeyihiin Qaramada Midoobay. Safiir Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan la shaqeynta Danjiraha cusub, isagoo yiri:
“Waxaan rajaynaynaa inaan si dhow ula shaqayno Safiir João Alfredo dos Anjos Júnior si loo sii xoojiyo loona horumariyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Brazil.” Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Brazil.




