Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray Xeer Lr. 191 ee ku taariikhaysan 10-ka Luulyo 2026, kaas oo lagu magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee maamulka.
Xeerkan ayaa lagu sheegay in magacaabista lagu saleeyay Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo baahida loo qabo dardargelinta howlaha dowladda, si loo xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo adeegyada loo fidinayo shacabka.
Golaha Wasiirrada cusub ayaa ka kooban 26 wasiir, kuwaas oo loo kala magacaabay wasaaradaha kala duwan ee maamulka. Sidoo kale, waxaa la magacaabay 3 Wasiir Dowlle, kuwaas oo ka shaqeyn doona xoojinta howlaha wasaaradaha loo igmaday. Wasiirrada cusub waxaa ka mid ah:
Isaak Mohamed Isack – Wasiirka Amniga Gudaha, Mohamed Osman Mohamed (Ore) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Hussein Mohamed Hagi – Wasiirka Maaliyadda, Fahad Mohamed Hussein – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Nuur Siidow Baaba – Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada, Mowliid Xasan Xuseen – Wasiirka Dhalinyarada iyo CiyaarahaXasan Cabdi Maxamed – Wasiirka Beeraha iyo WaraabkaIbraahim Cali Tifow – Wasiirka Ganacsiga iyo WarshadahaAadan Moalin Cabdiraxmaan – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha IslaamkaCabdulqaadir Ibraahim Maxamed (Faray) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha BulshadaCabdulqaadir Shariif Sheekhuna – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka BulshadaMaxamed Isack Ibraahim – Wasiirka Macdanta iyo BatroolkaMaxamed Xasan Idris (Ganey) Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Iimaan Cali Cabdi – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Cabdiraxiin Maxamed Ibraahim – Wasiirka Cadaaladda iyo GarsoorkaCabdinasir Cabdi Caruush – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta MusiibooyinkaMaxamed Cismaan Xaaji (Jiidow) – Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta SareSandheere Maxamed Iftiin – Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo DaaqaCabdiraxmaan Cabdqaadir Nuunow – Wasiirka Bay’adda iyo Isbeddelka CimiladaCabdulqaadir Yuusuf Cabdinuur – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka BaddaCabdifitaax Maxamed Cali (Abaroone) – Wasiirka DastuurkaMarwo Sahra Cismaan Axmed – Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul InsaankaCabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiintaDaweeye Cabdullaahi Arte – Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiskaCabdirashiid Maxamed Xasan – Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo XasilintaSidoo kale, waxaa Wasiir Dowlle loo magacaabay:Cabdiraxiin Xasan Maxamed – Wasiiru Dowlaha MadaxtooyadaCabdimaalik Ibraahim Cabdulle – Wasiiru Dowlaha MaaliyaddaMaslax Dhuubow Nuur – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo gole wasiirro oo hoggaamiya fulinta qorshayaasha horumarineed, amniga iyo adeegyada bulshada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.






