Duqeymo ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay 26 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Muqdisho – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku yaalla deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in duqeymaha lagu dilay 26 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa la burburiyay gaari Cabdi-bile ah iyo booyad shidaal oo ay kooxdu u adeegsan jirtay dhaqdhaqaaqyadeeda iyo fulinta weerarrada.

Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ay ku baacsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda abaabul iyo fulinta falalka argagixisanimo. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan la-dagaallanka argagixisada, iyadoo xustay in iskaashigaasi uu door muhiim ah ka qaadanayo xoojinta amniga dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale caddeeyay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here