NISA oo Sheegtay in 19 xubo oo Ka Tirsan Al-Shabaab Lagu Dilay Howlgallo ka Dhacay Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan

0

Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay inay fuliyeen howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiro horjooge sare.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay duleedka deegaanka Geel-gub oo hoostaga Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, halkaas waxaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Al-Shabaab ku uruurinaysay maleeshiyaad loo diyaarinayay fulinta weerarro, waxaana lagu dilay 12 xubnood, iyadoo sidoo kale la burburiyay fariisimihii iyo gabaadyadii ay kooxda u adeegsanaysay abaabulka iyo qorsheynta weerarrada.

Sidoo kale, howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayaa lagu burburiyay xarun ay Al-Shabaab u adeegsanaysay kaydinta hubka laga soo uruurin jiray gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu dilay toddobo xubnood oo kale, oo uu ku jiray horjooge lagu magacaabo Faaruuq, kaas oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa kaydinta hubka kooxda. War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in sidoo kale la gubay hub iyo agab ciidan oo yaallay xarunta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen laba gaari Cabdi Bile, gaari nooca Nooha ah iyo laba mooto. Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu beegsanayo horjoogeyaasha, xarumaha iyo sahayda Al-Shabaab, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

May be a doodle of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here