Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Sheegtay inay Dardar-gelinayso Kor u Qaadista Bilicda Muqdisho

0

Muqdisho – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii waddo dadaallada lagu casriyeynayo caasimadda Muqdisho iyo kor u qaadista bilicdeeda, kaddib markii la dhagax-dhigay mashruuc horumarineed oo ballaaran isla markaana la xarigga ka jaray waddo cusub.

 

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay mashruuca, kaas oo qayb ka ah qorshaha dib-u-habeynta iyo casriyeynta caasimadda.

Mashruucan ayaa ka kooban xarun ganacsi oo casri ah (Mall), xaafad degaan oo casri ah (Real Estate), xarumo adeegyo ganacsi iyo beer dalxiis. Dowladda ayaa sheegtay in mashruucu uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha magaalada, kor u qaadista bilicda Muqdisho iyo abuurista fursado shaqo oo cusub. Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Deegaanka, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada maalgelinaysa mashruuca.

Dowladdu waxay sheegtay in qorshahan dib-u-habeynta iyo casriyeynta Muqdisho uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha caasimadda, iyadoo sidoo kale xustay in dhulal danta guud loo asteeyay hirgelinta mashaariic horumarineed oo lagu kobcinayo adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here