Duqeyn ay Mareykanku ka fuliyeen Shabeellaha Hoose oo lagu beegsaday Al-Shabaab

0

Muqdisho – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay 13-kii Luulyo fuliyeen duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, qiyaastii 190 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

AFRICOM ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada wadajirka ah ee Mareykanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wiiqayaan awoodda Al-Shabaab ee ay ku weerari karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa dibadda.

Taliska AFRICOM ma shaacin tirada khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan bartilmaameedka la weeraray.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed gaar ah ku sheegtay in Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ay habeenkii Axadda howlgal ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiray taliye ka tirsan kooxda.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashooyinka dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here