Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo Kulamo Doceedyo la Yeelatay Mas’uuliyiin ka Socday Dalalka OIC

0

Islamabad – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulan doceedyo la yeelatay madax iyo masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha iyo dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), intii uu ka socday magaalada Islamabad Shirka Haweenka Islaamka.

 

Wasiirka ayaa kulan doceedyada la qaadatay Agaasimaha Fulinta Guddiga Madaxbannaan ee Joogtada ah ee Xuquuqda Aadanaha ee OIC (IPHRC), Wasiirka Shaqada iyo Amniga Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga Waqooyiga Qubrus (TRNC), Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Tababarka Dhaqaalaha, Bulshada iyo Tirakoobka ee Dalalka Islaamka (SESRIC), Wasiirka Arrimaha Haweenka, Carruurta iyo Daryeelka Bulshada ee Bangladesh, Guddoomiyaha Golaha Qaranka Haweenka ee Masar, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Arrimaha Qoyska ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Intii ay socdeen kulamadu, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah (OIC), gaar ahaan dhinacyada horumarinta qoyska, ilaalinta xuquuqul insaanka, awood-siinta haweenka, daryeelka carruurta, horumarinta bulshada iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta.

Kulamadu waxay ku soo dhamaadeen is-afgarad ku saabsan sii ballaarinta iskaashiga iyo kor u qaadidda wada-shaqeyn miro dhal ah oo wax ka tari doonta horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta u leh Soomaaliya. Wasiir Khadiijo waxaa kulamada ku weheliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here