Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

0

Nairobi – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo howlo shaqo u jooga magaalada Nairobi, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya.

 

Wasiirka ayaa waxaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradda. Kulan dhexmaray Wasiirka iyo Danjiraha ayaa diiradda lagu saaray horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay horumarinta warbaahinta dowladda, xoojinta dadaallada lagu gaarsiinayo bulshada caalamka sawirka dhabta ah ee Soomaaliya, muujinta guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo fursadaha maalgashi, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga wasaaradda iyo safaaradda ee baahinta xogta saxda ah, kobcinta dhaqanka iyo dhiirrigelinta dalxiiska Soomaaliya.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud wuxuu kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee safaaradda, isagoo ku bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha safaaradda, sida ay ugu adeegayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, una ilaalinayaan danaha qaranka iyo sida ay door muuqda uga qaadanayaan kor u qaadidda sumcadda Soomaaliya.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wasiirka booqashada uu ku yimid safaaradda, isagoo u xaqiijiyay in safaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada muwaadiniinta Soomaaliyeed, kor u qaadista sumcadda dalka iyo taageeridda qorshayaasha dowladda ee lagu gaarsiinayo dunida horumarka iyo fursadaha ka jira ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here