Ra’iisul Wasaare Xamsa oo amaaney taageeradda dowladda Qatar ee Soomaaliya

0

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho si uu uga tacsiyeeyo geerida ku timid Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, dowladda iyo shacabka Qatar, isagoo sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan walaalahooda reer Qatar murugada geerida hoggaamiyihii hore.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay la qeybsanayaan shacabka Qatar xanuunka geerida Amiirkii hore,” ayuu yiri Xamsa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Xamsa ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo Amiirka Qatar, qoyska Al Thani iyo guud ahaan shacabka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ammaanay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isagoo xusay doorka ay dowladda Qatar ka qaadatay taageerada Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka Carabta.

“Waxaan qirsanahay doorka sharafta leh ee dowladda iyo shacabka Qatar ay ku leeyihiin garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shucuubta Carbeed. Taasi waa sababta shacabka Soomaaliyeed ay ula qeybsanayaan shacabka Qatar murugada geerida Amiirkoodii hore,” ayuu yiri Xamsa.

Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana lagu xusuustaa doorkii uu ka qaatay horumarinta Qatar iyo kor u qaadidda kaalinteeda gobolka iyo caalamkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here