In ka badan 140 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Mauritania

0

Nouadhibou – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in ugu yaraan 143 qaxooti iyo muhaajiriin ah ay dhinteen ama weli la la’yahay, kadib markii ay degtay doon ku sii jeeday Yurub oo maraysay xeebaha dalka Mauritania. Sida ay hay’addu sheegtay, doonta ayaa ka soo ambabaxday deegaanka Bafuloto ee dalka Gambia, iyadoo ay saarnaayeen ku dhowaad 160 qof, balse waxaa la badbaadiyay oo keliya 38 qof markii ay 18-kii Luulyo gaareen dekedda Nouadhibou, kadib 25 maalmood oo ay ku jireen badda. Dadka la badbaadiyay ayaa la yimid meydadka qaar ka mid ah rakaabkii safarka ku geeriyooday.

 

Afhayeenka UNHCR, Matt Saltmarsh, ayaa sheegay in dadka la badbaadiyay ay ku jiraan laba carruur ah oo intii uu safarku socday waayay dhammaan xubnihii qoyskooda, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaal. Hay’addu waxay sidoo kale xaqiijisay in qof kale uu ku dhintay doon kale oo xeebaha Mauritania lagu soo badbaadiyay 14-kii Luulyo.

Ilaalada xeebaha Mauritania ayaa sheegay in doonta ay shidaalku ka dhammaaday xilli ay ku jirtay badweynta Atlantic, taasoo sababtay inay maalmo badan ku dhex sabbayso badda iyadoo aan haysan cunto, biyo iyo gargaar, arrintaas oo keentay dhimashada tiro badan oo rakaabkii saarnaa. UNHCR ayaa ku tilmaantay waddada Atlantic-ga ee loo maro Jasiiradaha Canary ee dalka Spain inay tahay mid ka mid ah waddooyinka tahriibka ugu dhimashada badan dunida, maadaama ay isku biiraan masaafada dheer ee badda, doomaha aan tayada lahayn, dadka tirada badan ee lagu raro iyo xaaladaha cimilada oo aad u adag.

Mauritania ayaa sanadihii dambe noqotay marin muhiim ah oo ay isticmaalaan kumannaan muhaajiriin Afrikaan ah oo isku daya inay gaaraan Yurub. Inkastoo Midowga Yurub uu maalgeliyay howlgal lagu xoojinayo ilaalinta xuduudaha Mauritania, haddana tahriibayaashu waxay weli adeegsanayaan waddooyin aad u halis badan.

Musiibadan ayaa si gaar ah u taabaneysa Soomaalida, maadaama dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ay weli ku jiraan safarrada tahriibka ee loo maro dalalka Geeska Afrika, Libya, Tunisia, Algeria, Mauritania iyo waddamada kale ee Galbeedka Afrika, iyagoo rajeynaya inay gaaraan Yurub. Inta badan waxay la kulmaan gaajo, harraad, jir-dil, afduub, lacag baad ah, kufsi, addoonsi iyo dil ay geystaan shabakadaha dadka tahriibiya ama kooxaha hubeysan ee ka howlgala waddooyinka tahriibka.

Sannadihii u dambeeyay waxaa soo noqnoqday dhacdooyin ay Soomaali badan ku dhinteen Badda Mediterranean-ka, Badweynta Atlantic-ga iyo saxaraha u dhexeeya dalalka Afrika, halka kuwo kalena lagu waayay raadkooda. Qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa weli sugaya war ku saabsan ehelladooda ka baxay dalka, kuwaas oo qaarkood aan dib dambe looga maqal.

Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa xuquuqda aadanaha ayaa marar badan ugu baaqay dowladaha Afrika iyo kuwa Yurub inay xoojiyaan la dagaallanka shabakadaha tahriibinta dadka, isla markaana la abuuro fursado shaqo, waxbarasho iyo nolol oo dhalinyarada ka baajiya inay naftooda ku biimeeyaan safarro halis badan.

Musiibadii ugu dambeysay ee ka dhacday xeebaha Mauritania ayaa mar kale muujisay khatarta sii kordheysa ee tahriibka sharci darrada ah iyo baahida loo qabo xalal waara oo lagu badbaadinayo nolosha kumannaan qof oo sannad kasta ku naf waaya waddooyinka tahriibka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here