Rabat – Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Rabat ee dalka Morocco kaga qeyb galay Shirweynaha 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika (The Fourth African Maritime Forces Summit), oo ay ka soo qeyb galeen wakiillo ka kala socday in ka badan 40 dal oo Afrikaan ah.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta awoodda ciidamada badda ee Afrika, xoojinta iskaashiga dalalka qaaradda, ciribtirka burcad-badeedda, la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga argagixisada badda, iyo wax ka qabashada khataraha cusub ee dhinaca tiknoolajiyadda iyo amniga badaha.
Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa shirka ka soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Badda, isagoo xusay in dowladda ay guulo ka gaartay adkeynta amniga iyo xasilloonida xeebaha dalka. Wuxuu tilmaamay in la kordhiyay dadaallada lagula dagaallamayo burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo kooxaha argagixisada ee khatarta ku ah amniga badda, isla markaana ay socdaan qorshayaal lagu horumarinayo tababarka iyo qalabaynta Ciidanka Badda Soomaaliyeed.
Jeneraal Cabdiwahaab ayaa sidoo kale adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, taasoo ka dhigaysa iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah mid muhiim u ah ilaalinta amniga marin-biyoodka, kobcinta dhaqaalaha buluugga ah iyo sugidda badqabka maraakiibta isticmaasha biyaha gobolka.
Shirweynaha ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed mideysan oo lagu xoojinayo iskaashiga ciidamada badda ee dalalka Afrika, lana dardargelinayo dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo amniga badaha, la dagaallanka dambiyada badda iyo horumarinta awoodda ciidamada badda ee qaaradda.




