Soomaaliya iyo Maldives oo xiriirka diblomaasiyadeed xoojiyay

0

Muqdisho – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, oo sidoo kale ah Safiirka aan deggenayn ee dalalka Sri Lanka iyo Maldives, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Maldives, Dr. Mohamed Muizzu.

 

Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga waxaa goobjoog ka ahayd La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya, Marwo Ayaan Maxamuud Sheekh Xamiid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Maldives. Sidoo kale, waxaa la xusay in xiriirka tooska ah ee labada dal uu dib u soo bilowday, isagoo salka ku haya xiriirkii diblomaasiyadeed ee la aasaasay 10-kii Maarso 1988.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqeynta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here