Accra, Ghana – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ku matalayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka 20-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo diiradda lagu saaray arrimaha caafimaadka.
Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxda dalalka Afrika iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa looga hadlay xoojinta nidaamyada caafimaadka qaaradda, hirgelinta Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah (PHC), soo afjaridda AIDS-ka marka la gaaro 2030, dhimista dhimashada hooyada ee laga hortagi karo iyo xoojinta u diyaar-garowga cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin.
Khudbad uu ka jeediyay shirka, Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay hirgelinta Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana gaara dhammaan bulshada.
Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dib-u-habayn lagu xoojinayo xarumaha caafimaadka, shaqaalaha caafimaadka, adeegyada caafimaadka bulshada, nidaamyada caafimaadka ee dijitaalka ah iyo u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay Bayaanka Accra iyo himilada Midowga Afrika ee lagu dhisayo nidaamyo caafimaad oo adkaysi leh, isaga oo ugu baaqay dalalka Afrika inay xoojiyaan iskaashiga, maalgelinta gudaha iyo wadajirka si loo xaqiijiyo caafimaad loo siman yahay iyo horumar waara oo qaaradda ka hanaqaada.



