Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

0

MUQDISHO – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, kaas oo noqonaya hindise-sharciyeedkii ugu horreeyay ee dalka laga sameeyo ee si gaar ah u nidaaminaya ilaalinta iyo horumarinta dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed.

Hindise-sharciyeedkan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa abuuri doona saldhig sharciyeed lagu ilaaliyo dhaxalka qaranka, lagu horumariyo hal-abuurka, laguna taageero suugaanta iyo farshaxanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedkan, isaga oo sheegay inuu muhiim u yahay ilaalinta aqoonsiga dhaqanka Soomaaliyeed iyo in jiilasha dambe loo gudbiyo hiddaha iyo dhaqanka dalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sharcigan uu gacan ka geysan doono horumarinta qaybaha kala duwan ee dhaqanka iyo farshaxanka, sida suugaanta, fanka, hal-abuurka iyo waxyaabaha kale ee ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, hindise-sharciyeedku wuxuu xoojinayaa dadaallada lagu ilaalinayo dhaxalka taariikhiga ah iyo dhaqanka qaranka, iyadoo la dhiirrigelinayo fannaaniinta, qorayaasha iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa sheegtay in dhaqanku uu door muhiim ah ka qaadan karo nabadda, wadajirka bulshada iyo xoojinta aqoonsiga ummadda Soomaaliyeed, maadaama uu yahay qayb muhiim ah oo mideysa bulshada.

Hindise-sharciyeedkan ayaa hadda mari doona marxaladaha xiga ee habraaca sharci-dejinta ka hor inta uusan noqon sharci rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here