Muqdisho – Iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira mustaqbalka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), gaar ahaan caqabadaha dhaqaale ee wajahaya howlgalka iyo suurtagalnimada in ay saameyn ku yeeshaan joogitaanka ciidamada Midowga Afrika, ayaa magaalada Muqdisho waxaa kulan laba geesood ah ku yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Davis Justin.
Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee AUSSOM ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, waajibaadka AUSSOM, horumarradii ugu dambeeyay ee amniga, iyo saameynta ay yeelan karaan isbeddellada ku yimid howlgalka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Midowga Afrika iyo Mareykanka, si loo taageero dadaallada lagu sugayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo saameyn ku yeeshay maalgelinta howlgalka, iyadoo Midowga Afrika uu marar badan ka digay in haddii aan la helin dhaqaale waara ay adkaan karto sii wadista howlgalka heerkiisa hadda. Arrintan ayaa dhalisay walaac ku saabsan saamaynta ay ku yeelan karto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo geeddi-socodka kala wareegista masuuliyadda amniga ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta iskaashi dhow iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in guulaha amni ee la gaaray la sii xoojiyo, loona dardar-geliyo dadaallada lagu dhisayo nabad iyo xasillooni waarta.



