Addis Ababa – Guddiga Midowga Afrika (AU) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u diray casuumaad rasmi ah oo ay kaga dalbanayaan inay si degdeg ah u soo magacowdo wakiillada uga qayb geli doona wada-tashiyo istiraatiiji ah oo lagu go’aaminayo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Qoraalka ayaa ku soo beegmaya xilli AUSSOM uu wajahayo caqabado dhinaca maalgelinta ah, kuwaas oo horseeday in Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka ay bilaabaan dib-u-eegis ku saabsan qaabka uu howlgalka u sii socon doono iyo qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warqadda, wada-tashiyadan ayaa daba socda Kulankii 22-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ee dhacay 8-dii Luulyo 2026, kaas oo lagu go’aamiyay in la dhiso guddi gaar ah (Task Force) si uu u qiimeeyo xulashooyinka istiraatiijiga ah ee la xiriira joogitaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Kulamada farsamada ayaa lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa inta u dhaxaysa 22-ka iyo 24-ka Luulyo, waxaana ka qayb geli doona wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, AUSSOM, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Xafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika (UNOAU), iyo waddamada ciidamada iyo booliiska ku biiriya howlgalka.
Natiijooyinka kulamadan ayaa loo gudbin doonaa shirar heer sare ah oo ka dhici doona magaalada Kampala ee dalka Uganda, kuwaas oo kala ah kulanka Taliyeyaasha Ciidamada iyo Booliiska ee waddamada AUSSOM 29-ka Luulyo, kulanka Wasiirrada Gaashaandhigga 30-ka Luulyo, iyo Shir Madaxeed Degdeg ah oo ay yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha waddamada ciidamada ku leh AUSSOM 31-ka Luulyo.
Midowga Afrika ayaa sheegay in wada-tashiyadu ay diiradda saari doonaan dhammaan xulashooyinka la xiriira mustaqbalka howlgalka, oo ay ku jiraan arrimaha hawlgalka, siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga, qaab-dhismeedka ciidamada, taageerada saadka, halisaha jira iyo qorshaha kala-guurka, si loo diyaariyo talooyin loo gudbin doono hay’adaha go’aan qaadashada ee Midowga Afrika.
Guddiga Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday inay sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbiso magacyada iyo xilalka rasmiga ah ee wakiillada ka qayb geli doona kulamada, si loo fududeeyo diyaarinta dhinacyada maamulka, hab-maamuuska iyo amniga.
Arrintan ayaa muujinaysa in Midowga Afrika uu dardargelinayo wada-tashiyada ku saabsan mustaqbalka AUSSOM, xilli Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ay raadinayaan hannaan lagu xaqiijin karo sii socoshada taageerada amniga, iyadoo la tixgelinayo xaaladda amni ee dalka iyo caqabadaha dhaqaale ee saameeyay howlgalka.



