Muqdisho – Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka mid noqday saraakiil ka qalin-jabisay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Ruushka, iyagoo ku guuleystay shahaadada heerka labaad ee jaamacadda (Master Degree). Saraakiishan ayaa ku takhasusay Maamulka Guud iyo Qorshaynta Istaraatiijiga ah, taas oo lagu tilmaamay inay sare u qaadeyso aqoonta iyo xirfadaha hoggaamineed ee saraakiisha Booliska Soomaaliyeed, isla markaana gacan ka geysan doonta horumarinta maamulka iyo qorsheynta hay’adaha amniga.
Qalin-jebintan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo ku dhow 40 sano oo saraakiil Soomaaliyeed ay ka qalin-jabiyaan Akadeemiyadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ruushka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo aqoonta saraakiisha ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo ballaarinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada tababarrada, waxbarashada iyo dhismaha awoodda hay’adaha amniga.
Mas’uuliyiinta ayaa hambalyo u diray saraakiisha qalin-jabisay, iyagoo ku boorriyay inay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay kasoo kororsadeen Ruushka u adeegsadaan horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, xoojinta maamulka, qorsheynta istiraatiijiga ah iyo kor u qaadista adeegyada amniga ee dalka.



