MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in wafdi heer sare ah oo ka socday Mareykanka uu dalka ka dhoofay isagoo aan booqan caasimadda Muqdisho, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan hore uga dhicin Soomaaliya.
“Marna horay uma dhicin in wafdi Mareykan ah uu booqdo gobollada dalka, kadibna ka dhoofo isagoo aan imaan caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
“Waa caddeyn muujinaysa fashilka dowladda, taas oo xilligii ay xilka haysay uu dhammaaday,” ayuu raaciyay.
Sheekh Shariif, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa sheegay in booqashadu ay muujinayso in dowladda federaalka ay ku fashilantay maareynta xiriirka dibadda isla markaana ay lumisay kalsoonida saaxiibbada caalamka.
Hadalka madaxweynihii hore ayaa imanaya xilli uu cirka isku sii shareerayo muranka siyaasadeed ee la xiriira sharciyadda dowladda federaalka iyo xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, iyadoo mucaaradku si joogto ah ugu eedeynayo xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay lumisay kalsoonida gudaha iyo tan dibaddaba.



