MUQDISHO – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa diiday baaqyada lagu dalbanayo in dalka dib loogu celiyo nidaamkii Kumeelgaarka ahaa (KMG), isagoo sheegay in soo jeedintaasi aysan ku dhisnayn tixgelin iyo falanqeyn qoto dheer.
Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlayay dooda Shabelle TV, ayaa sheegay in fikradda ay soo jeediyeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka aysan xal u ahayn caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka jira.
“Baaqyada lagu doonayo in Soomaaliya dib loogu celiyo nidaamka KMG-da waxaa ka maqan ka fiirsasho iyo qiimeyn dhab ah,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale sheegay in xisbiga Nabad iyo Nolol, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), uu si cad uga soo horjeedo soo jeedintaas.
“Xisbiga Nabad iyo Nolol wuxuu diiddan yahay soo jeedinta noocaas ah ee ay mucaaradku soo bandhigeen,” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii shareerayo muranka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradku ay weli isku khilaafsan yihiin sida looga gudbi karo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka.



