Taliyaha Ciidamada Uganda: Yaraynta Taageerada Waxay Daciifineysaa Hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

0

KAMPALA – Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa Arbacadii sheegay in caqabadaha dhaqaale iyo dhimista taageerada saadka ee Qaramada Midoobay ay durba wiiqeen howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

 

Muhoozi ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Shir Madaxeedka Gaarka ah ee 2026 ee dalalka ciidamada ku leh AUSSOM, kaas oo ka socda magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirka, oo lagu qabtay xarunta Speke Resort Munyonyo, waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha ciidamada, wasiirro, hoggaamiyeyaal Afrikaan ah iyo saaxiibbada caalamiga ah si ay uga wada hadlaan mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Isagoo la hadlayay shirka taliyeyaasha ciidamada, Jeneraal Muhoozi ayaa sheegay in kulanku uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah, maadaama Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale iyo hubanti la’aan ku saabsan sii wadista howlihiisa wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026.

“Kulankan waxaa loo qabtay si aan isugu aragno aragtideenna ku aaddan mustaqbalka howlgalkeenna Soomaaliya, oo ay ku jiraan AUSSOM iyo Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Muhoozi.

Wuxuu sheegay in dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya si rasmi ah loogu wargeliyay suurtagalnimada in la soo afjaro howlaha UNSOS, taasoo dhalisay wada-tashiyo diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed oo lagu raadinayo sidii loo sii wadi lahaa taageerada howlgalka Soomaaliya.

Qaab-dhismeedka hadda jira ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaanaya howlgalka AUSSOM iyo taageerada saadka ee UNSOS illaa 31-ka Diseembar 2026. Taageeradaasi waxay daboolaysaa ciidamada AUSSOM, howlaha howlgalka iyo ciidamada amniga Soomaaliya ee la shaqeeya ama hawlgallada wadajirka ah la fuliya ciidamada Midowga Afrika.

Jeneraal Muhoozi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in UNSOS ay horey u dhintay taageeradii ay siin jirtay AUSSOM iyo Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobay boqolkiiba 25, xitaa ka hor inta aan dalalka ciidamada ku deeqay si rasmi ah loogu wargelin qorshaha lagu joojin karo taageerada.

Wuxuu sheegay in dhimistaasi ay si toos ah u saameysay hawlgallada ka socda Soomaaliya, iyadoo ku qasabtay taliyeyaasha ciidamada inay dib u kala hormariyaan howlaha ay fulinayaan, taasoo hoos u dhigtay waxtarka ciidamada ka hawlgala qeybo ka mid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here