Addis Ababa, Itoobiya – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali (Dhaay), ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mudnaanta istiraatiijiga ah ee Midowga Afrika, xaaladda nabadda iyo amniga ee gobolka, horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyo doorka Soomaaliya ee horumarinta himilooyinka guud ee qaaradda.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada nabad-dhisidda, xasilinta, dhismaha hay’adaha amniga iyo taageeridda geeddi-socodka horumarinta dalka.
Wasiir Cabdisalaam Cali (Dhaay) ayaa ku ammaanay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika hoggaamintiisa iyo dadaallada uu ku hormarinayo ajendayaasha Midowga Afrika, isagoo dib u xaqiijiyay taageerada buuxda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u hayso dadaalladiisa ku aaddan xoojinta midnimada, nabadda iyo iskaashiga dalalka Afrika.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa wada-hadallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka waddo magaalada Addis Ababa, iyadoo barbar socda Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, kaas oo looga arrinsanayo qodobo la xiriira horumarinta qaaradda, amniga, isdhexgalka Afrika iyo hirgelinta Ajendaha 2063.




