Kampala – Dowladda Uganda ayaa martigelinaysa shir madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imanayaan dalalka ciidamada ku deeqa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda lagu saarayo mustaqbalka howlgalka, xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed.
Shirka oo ka socda Speke Resort Munyonyo ee magaalada Kampala intii u dhaxaysay 29-ka illaa 31-ka Luulyo, ayaa waxaa ka qeyb galaya madax, wasiirrada difaaca, taliyeyaasha ciidamada iyo mas’uuliyiin ka socota Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku leh howlgalka AUSSOM.
Kulanka ayaa dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka howlgalka, caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ciidamada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo sidii mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejin lahaa hay’adaha amniga Soomaaliya.
Qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in looga hadlo waxaa ka mid ah sidii loo kordhin lahaa waxtarka howlgalka AUSSOM, hagaajinta isku-dubaridka ciidamada, xal u helidda caqabadaha dhinaca saadka iyo maalgelinta, iyo hubinta in ciidamada Soomaaliya ay helaan taageero joogto ah si ay ula wareegaan amniga dalka.
Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan walaacyo isa soo taraya oo la xiriira maalgelinta howlgalka AUSSOM, kadib markii ay soo baxeen warar muujinaya in qaar ka mid ah deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ay dib u eegayaan taageerada dhaqaale ee howlgalka. Arrintan ayaa sare u qaadday muhiimadda wada-hadallada Kampala, iyadoo la raadinayo qorshe lagu xaqiijinayo sii socoshada howlgalka iyo taageerada ciidamada Soomaaliya.
Uganda, oo ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u dira Soomaaliya sanadkii 2007, isla markaana weli ka mid ah waddamada ugu waaweyn ee ciidamada ku leh howlgalka Midowga Afrika, ayaa sii wada doorkeeda hoggaamineed ee dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Waxaa la filayaa in gabagabada shirka laga soo saaro go’aanno iyo talooyin hagaya wejiga xiga ee howlgalka AUSSOM, kuwaas oo saldhig u noqon doona xoojinta iskaashiga dalalka ciidamada ku deeqa, taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.



